Madaxda Yurub oo ka baaraandegaya meel kale oo ay ka heli karaan gaas u bedala kan Ruushka.

0
200

Jowhar – ( Radio isnaay )-  Madaxda Yurub ayaa ka baaraandegaya meel kale oo ay ka heli karaan gaas u bedala kan Ruushka, xilli ay suuragal tahay in Moscow ay xirto dhuumaheeda iyadoo ka jawaabaysa cunaqabateynta la saaray duullaanka Ukraine awgiis.

Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga, Luigi Di Maio, ayaa Isniinta maanta ah booqasho ku tegay caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, waxaana uu kulan la qaaday dhiggiisa Ramtane Lamamra iyo wasiirka tamarta, Maxamed Arkab.

Ujeedada socdaalka wasiirka Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay si gaar ah u khuseyso arrinta tamarta si “Aljeeriya ay u kordhiso gaaska ay siiso Talyaaniga iyo guud ahaan Yurub.”

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Yurub ee sida weyn ugu tiirsan shidaalka iyo gaaska uu soo dhoofsado, waxaana lagu qiyaasay in ku dhawaad 95% gaaska dalkaas laga isticmaalo uu dibadda uga yimaado. Ruushka ayaa 45% gaaskaas ka iibiya Talyaaniga sida uu Jimcihii baarlamaanka dalkaas u sheegay Ra’iisal wasaare Mario Draghi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here