Maxbuus udhashay dalka Iiraan oo farxad darteed u dhintay kadib markii uu maqaly in Maxkamada ay Cafisay.

0
187

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Nin u dhashey dalka Iran, ayaa waxaa soo wajahay wadno xanuun aad u daran, kadib markii uu ogaadey in laga cafiyey xukun dil toogasho ahaa, iyadoo uu diley ruux 18 sano kahor maxbuuskani, sida uu qorey wargeys ay maamusho dowladda Iiraan.

Wargeysku wuxuu sheegay in Akbar oo 55 jir ah, oo kasoo jeeda koonfurta Iiraan la xirey 18 sano kahor, isagoo lagu eedeeyey dil bareer ah.

Kadib markii uu ogaadey iney cafiyeen qoyska dhibanaha, isla markaana aanan lagu fulin doonin ciqaab dil ah, Akbar waxaa soo wajahay wadno xanuun, kadib markii uu aad u farxey ,wuuna dhintay, sida uu qorey wargeyska.

Jariidada oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah oo arrintan la xiriira, ayaa sheegay in Akbar sanado badan uu ka walwal sanaa cabsi ah in lagu fuliyo ciqaabka dilka, taasoo kasoo bilaabatey illaa iyo markii ay dadiisu aheyd 37 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here