Guulaha Xavi Ee Barcelona Waxa Ay Fadeexada Ugu Weyn Ku Tahay Kooxda Man United: Akhriso Sababta

0
185

Manchester United ayaa wajahaysa xagaa kale oo ay doonayso inay magacawdo tababaraha cusub ee hoggaamin doona kooxdooda mustaqbalka fog, tababaraha kumeel-gaadhka ah ee Ralf Rangnick ayay u badantahay inuu doorkiisa la-taliyenimo ee kooxda u wareegi doono iyadoo John Murtough uu go’aamin doono tababaraha xiga.

Imaatinka Rangnick ayaa imanaya kaddib fashilkii Ole Gunnar Solskjaer, tababaraha Norwegian-ka ah oo lacag badan soo bixiyay afar sano ku dhawaad uu Old Trafford joogay ayaan wax koobab ah keenin Old Trafford.

Markale tilmaamaha ayaa sheegaya in Red Devils ay lacag badan ku bixin doonaan suuqa soo socda si ay tiro ciyaaryahano ah u keenaan oo ay u taageeraan tababarahooda xiga.

Man United ayaa horeba ugu soo fashilantay inay dib u dhis kusoo samayso kooxdeeda wakhtiyadii Louis Van Gaal, Jose Mourinho, iyo Ole Gunnar Solskjaer, United ayaa u baahan dajinta qorshe mudo fog ah halkii ay xal mudo gaaban ah ka raadin lahaayeen waxkasta oo uu xilli ciyaareedkani kusoo dhammaado.

Haddiiba aad doonayso inaad barato sida dhabta ah ee koox dib loogu dhiso, waxa tusaalaha haatan taagan ah Barcelona oo iyada oo aan waliba wax qarash ah galin haddana durba cagta saartay jidka soo noqoshada.

Hoos u dhaca Barcelona ayaa ahaa mid deg-deg ah balse ay iyagu gacmahooda ku samaysteen kaddib saxeexyadii lacagta badnaa balse fashilmay ee Philippe Coutinho, Ousmane Dembele iyo Antoine Griemzann.

Magacaabista Xavi Hernandez ayaa lamid ah midii United ee Solskjaer balse kaddib dhawr bilood oo uu joogay halyeeyga Barca waxay u muuqataa mid go’aan sax ah samaysay oo heshay tababare si fiican ula haysta falsafada ciyaareed ee ay caanka ku tahay.

Xiddigaha akaademiga kooxda kasoo baxay sida Ronald Araujo, Gavi iyo Fati ayaa asaasi ka ah mashruuca Xavi halka Pedri oo Las Palmas kaga soo biiray uu ku haboon yahay hab ciyaareedka Xavi.

Barcelona ayaa isku-geyn 48 Milyan oo euro kula soo saxeexatay Ferran Torres, Adama Traore iyo Aubameyang halka ay xagaaga doonayaan ciyaartoy laga xusi karo Mazraoui oo ah daafaca midig ee Ajax bilaashna lagu helayo iyo Erling Haaland oo 75 Milyan oo euro kaga tagaya Borussia Dortmund.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here