Madaxweynaha Mareykanka oo la filaayo in uu ku dhawaaqo garsooraha Maxkamadda Sare ee dalkaasi.

0
167

Jowhar – ( radio isnaay ) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa go’aan rasmi ah ka qaatay haweenayda noqonaysa tii ugu horeysay ee loo magacaabo Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday intii lagu jiray ololihii doorasho ee 2020kii in haweenay bulshada madow ka soo jeedda uu u dallacsiin doono kursi ka mid ah maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka. Arrintaas ayuu mar kale ku celiyey ka dib markii garsoore Stephen Breyer oo 83 jir ahi uu bishii hore ku dhawaaqay inuu xilkii uu maxkamadda ka hayey iska casilayo.

In biden go’aan ka gaaray haweenayda xilkaas loo wado waxaa marki iugu horreysay warisay hay’adda CNN, ka dibna CBS. Labada warbaahinood ayaa soo xiqtay dadka hawsha wax ka og.

Labada shabakadood ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu dhawaaqi karo ugu horeyn Jimcaha maanta ah, hase yeeshee, aanu ka dib dhacaynin Isniinta oo ah maalin ka hor khudbadda sanadlaha ee Xaaladda Dalka ee uu Biden jeedin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here