Burcadda interneetka oo la wareegay mareegaha dowladda Mozambique.

0
172

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha burcada interneetka ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta in ka badan 30 bogagga internetka ah oo laga leeyahay Mozambique kaddib markii ay Isniintii dowladdu sheegtay in ay iska caabisay weerarro xagga internet-ka ah oo lagu soo qaaday.

Koox lagu magacaabo “Yemeni Hackers” ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa sheegtay in ay si buuxda u galeen bogagga 34 wasaaradood oo ay ku jirto wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Mozambique.

Burcadda ayaa waxay ku hanjabeen in ay fashili doonaan xogo sir ah haddii aan la siinin lacagaha madax furashada ah ee ay dalbadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here