Muslimkii ugu horeeyay oo xil sare loogu magacaabay Dalka Israa’iil.

0
409

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee dalka Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

In ka badan 20% muwaadiniinta Israa’iil waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqotay Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here