Raashinka qutul daruuriga ee Wadanka kenya oo sara u kacay.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar ka mid ah dadweynaha Kenya ayaa ka cabanaya qiimaha cuntooyinka quutul-daruuriga oo aad sare ugu kacay malamihii lasoo dhaafay.

Kumannaan qof ayaa cabashooyinkooda mariyay baraha bulshada, iyaga oo dalbaday in sicirka maciishada hoos loo dhigo.

Dadkan oo isticmalaya baraha bulshada ayaa madaxda dalka kenya ugu baaqay inay wax ka qabto sicir bararka ku yimid qiimaha raashinka qutul daruuriga.

Ganacsatada dalka kenya ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee sicir bararka keentay ay tahay cudurka karoona feyris oo sameeyay wax soo saarka dunida iyo lacagaha laga qaado ganacsatada oo kordhay gaar ahaan canshuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here