Dowladda Sacuudiga oo markii ugu horreeysay xustay Aas-aasihi Boqortooyada Dalkaasi.

0
311

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.

Dowladda ayaa diyaarisay bandhig weyn oo lagu soo bandhigay ciyaaraha muusiga ee taariikhdan casriga ah ee Sacuudiga, bulleerro, bandhig diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo dhawaqto kala duwan, waxaana ka qeybqaatay bandhigga ilaa 3,500 oo ruux.

Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd maanta oo kale, sannadki 1727. Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Taariikhyahannada ayaa rumeysan in maalintaasi ay 18 sano ka horreysay, billowgii dalka Sacuudiga, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed bin Sacuud oo ahaa kaabo qabiil iyo nin wadaad ah oo sheikh ahaa oo la oran jiray Mohammed ibn Abd al-Wahhab, kaas oo loo tiriyo inuu abuuray fikirka xagjirka ah ee lagu naaneeso wahaabiyada Islaamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here