Maxkamad ku taalla Pakistan oo xukun ku riday nin guursaday xaas labaad.

0
195

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa ku xukuntay lix bilood oo xarig ah nin guursaday xaas labaad kadib markii ay dacweysay xaaskiisii hore.

Maxkamadda oo ku taalla magaalada Lahore ayaa ninkaa ka diiday dooddii uu isku difaacayay ee ahayd in diintiisu u oggoshahay in uu guursado xaas labaad maadaama uu yahay Muslim.

Xaaska Saqib, Cayesha Bibi ayaa sheegtay in ninkeeda uusan kala tashan inuu guursanayo xaas labaad islamarkana talaabadan uu qaaday ay xadgudub ku tahay sharciga qoyska ee dalka Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here