Busquets Oo Arsenal Uga Mahadceliyay Hadiyadii Ay Siiyeen Suuqii January.

0
194

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kabtanka kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahanka cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii uu weeraryahanku dhaliyay saddexleydiisii ugu horaysay tan ilaa markii uu qaabka xorta ah ugu biiray kooxda suuqii January.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowday horyaalka La Liga isaga oo 3 gool dhaliyay kulankii ay Barcelona 4/1 ku garaacday Valencia.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Barcelona ka caawiyay in ay ku soo laabtaan kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions league xilli ciyaareedka dambe isaga oo sidoo kale muujiyay sababta ay kooxdu ula soo saxiixatay.

Busquets oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Auba aad ayuu u shaqaynayaa, waxa uu halkan yimid isaga oo doonaya in uu joogto u ciyaaro haatan wuu ciyaarayaa”.

“Waxa aan rajaynayaa in uu sidaas u sii ciyaaro sababta oo ah waa xiddig weyn, In aan qaab lacag la’aan ah ku helno isaga waa mid Hadiyad ah”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here