Japan oo Noqotay Wadan dadkiisa waxbo ka lumin.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Balse si ka duwan dalalka kale, hadii dalkan uu kaaga lumo teleefonkaaga ama boorsaddaada, waxaa suurta gal ah inaad dib u hesho.

Dhamaan hantida lunta, waxaa lagu keydiyaa xarunta hantida lunta oo ku taalla deegaanka Lidabashi, oo ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Sanadkii 2019-kii, waxaa xaruntaasi la geeyay 4.15 milyan oo ah alaab luntay oo la helay. Isla xaruntaasi, waxaa haatan taalla in kabadan 600,000 oo ah alaab luntay.

Yukiko Igarashi,oo ah madaxa xarunta lagu keydiyo alaabaha lumay, ayaa sheegay in maalin kasta xarunta la keeno 7,700 oo alaabo dad ka lumay ah.

“Tokyo waxay heysaa 20% ee dhamaan alaabaha ku lumay Japan,” ayuu yiri.

“ku dhawaad 90% ee waxyaabaha dadka ka luma, ayaa waxaa ugu badan teleefon, iyadoo dib loogu celiyo shaqsiyaadkii ay ka lumeen.

Waxa labaad ee dadka aadka ugu luma ayaa ah boorso, sida uu sheegay Igarashi, waxaana 70% loo celiyaa dadkii lahaa.

“Sheyga labaad ee aadka u lumo ayaa ah dukumintiyada rasmiga ah ayuu yiri, sida leesinka darawalada, kaararka caafimaadka iyo kuwa lacagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here