Real Madrid Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Doonayso Xiddig Muhiim Ka Ah Chelsea.

0
200

JOWHAR (Radio isnaay) Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi karto saxiixa daafaca midig ee kooxda chelsea ee Reece James marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay keento xiddig ka ciyaari kara daafaca Midig xilli ciyaareedkan dambe si uu ula tartamo xiddiga Dani Carvajal.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, James ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee Real Madrid iyada oo uu xiddiga reer England sameeyay horumar cajiib ah sanadihii ugu dambeeyay.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa caawiyay 5 gool isla markaas dhaliyay 6 kale 23 kulan oo uu u ciyaaray chelsea xilli ciyaareedkan.

Ancelotti ayaa xiddiga reer England u arka mid mustaqbal weyn ku leh kubada cagta waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here