Madaxweynaha Dalka Turkiga oo lagu dhaleecayay Eryo Suugaaneed.

0
179

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Hees uu qaaday fannaan caan ah una dhashay dalka Turkiga oo lagy magacaabo”Tarkan” ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada iyadoo dadkuna ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Heesta oo barta Youtube-ka lagu baahiyay khamiistii ayaa saacado kooban waxaa daawaday dad gaaraya 4 milyan oo qof.

Erayada heesta ayaa ku saabsan xaaladdaha ka jira dalka Turkiag gaarahaanna waxay ku soo aadday xilli Turkiga ay ka jirto dhaqaalo xumo, sicir barar gaaray meel sare iyo dhaqo la’aanta dhalinyarada.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujiyay in Recep Tayyip Erdogan, oo xukunka hayay tan iyo 2003, uu wajahayo loolan adag doorashada sanadka soo socda, iyadoo ay sare u kacday carada ka dhanka ah xisbigiisa talada haya.

Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa aaminsan in heestu ay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed, inkasta oo aanu erayada fannaanku ku xusin magaca Erdogan.Dadka qaar ayaa sheegaya in heestu ku saabsantahay xaaladaha cudurka Covid-19.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here