Chelsea Oo Si Weyn U Taageeri Doonta Tuchel Suuqa Xagaaga.

0
371

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Thomas Tuchel ku taageeri doonto saxiixyo cusub suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda ayaan samyn wax saxiixyo ah suuqii january kadib markii ay xagaagii baanka u jabiyeen xiddiga Romelu Lukaku laakiin Tababare Tuchel ayaa la siin doonaa lacag fiican xagaaga.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad ee premier League waxana ay ku guulaysteen koobka Club World cup-ka iyaga oo fursad u haysta in ay ku guulaystaan Carabao cup-ka oo ay la ciyaari doonaan liverpool.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Blues ayaa suuqa xagaaga siin doonta Tuchel lacag fiican oo uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Kooxda difaacanaysa champions league ayaa iska fasixi doonta ugu yaraan 10 xiddig xagaaga iyaga oo dib u dhis ku samayn doona kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here