Mikel Arteta Oo Weeraryahan Halis Ah Ka Arkooday Premier League.

0
377

JOWHAR (Radio isnnay) Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Southampton ee Armando Broja ku dartay Liiska xiddigaha ay doonayso ee weerarka ka ciyaara marka la gaadho suqua xagaaga.

Gunners ayaa ku fashilantay in ay suuqii January la soo saxiixato xiddiga Dusan Vlhaovic kaas oo ku biiray kooxda Juventus.

Sidaas darteed Arsenal ayaa la filayaa in ay suuqa xagaaga lacag badan galiso si ay u xoojiso weerarka kooxda oo diciif ah xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Football.London, Mikel Arteta ayaa bartilmaameed ka dhiganaya xiddiga 20 jirka ah ee Broja kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan.

Broja oo amaah uga maqan kooxda chelsea ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 8 gool kaliya 15 kulan oo uu ku bilowday kulamada kooxdiisa Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here