Cilmi-baaris cusub oo lagu ogaaday in mar kasta oo qofka uu helo lacag intii hore ka badan ay sare u kacdo farxadiisa.

0
355

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cilmi-baaris cusub ayaa lagu ogaaday in mar kasta oo qofka uu helo lacag intii hore ka badan ay sare u kacdo farxadda qofkaas.

Tan iyo sanadkii 2020, waxaa aad u xooganaa aragtida ah in mar haddii uu qofka sanadkiiba heli karo 75 kun oo dollar, aysan lacag dheeraad ah waxba ka bedali karin dareenka farxadeed ee qofkaas.

Cilmi-baaris uu sameeyay aqoonyahan Matthew Killingsworth ayaa lagu qiimeeyay xog laga ururiyay tobanaan kun oo shacabka Maraykanka ah, waxaana lagu ogaaday in lacagta badan ay kordhiso farxadda qofka.

Markii ay warbixinta soo baxday ayaa qaar badan oo kamid ah warbaahinta Maraykanka waxa ay cinwaan uga dhigeen “dhab ahaantii lacag waad ku iibsan kartaa farxad”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here