Haweenay ku Nool Dalka Canada oo si khaldan fariin ugu dirtay Booliska Uk.

0
406

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweenay tuug soo weeraray oo isku dayday in fariin ay caawimaad ku dalbanayso u dirto booliska magaaladeeda ayaa fariintii waxa ay u dhacday boolis dal kale.

Kooxda booliiska Durham, England, ayaa waxaa khadka internetka kula xiriirtay haweeney ka warbixisay tuug soo galay gurigeeda oo ku yaala Durham, Canada.
Waxay u qortay fariin ay ku tiri “caawin baan u baahanahay, guriga ayuu joogaa ” ka hor inta aanay aamusin.

Booliska Durham oo ogaaday qaladka haweeneyda ayaa la xiriiray dhigooda Canada, waxaana 30-daqiiqo ka dib ninkii ku weeraray haweenayda guriga lagu xiray meel u dhow gurigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here