Madaxweynaha Faransiiska oo Diiday in laga Baaro Cudurka Covid-19.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diiday baadhitaanka caafimaad ee Covid-ka ka hor kulankii uu la yeelanayay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay Kremlin-ka Ruushka looga rrimiya ay xaqiijisay.

Baadhitaankan ay rabeen kooxda hab-maamuus caafimaadka ayaa ahaa mid aan la aqbali karin oo aan ku habboonayn jadwalka hoggaamiyaha Faransiiska, sida ilo Faransiis ah u sheegeen BBC.

Intii kulankaasi socday oo muddo shan saac ahayd, Isma aysan gacan qaadin, waxaana ay wada fadhiisteen miis afar mitir ah oo u dhexeeyay, iyadoo dadka indha indheeya xaaladaha diblomaasiyadeed ay ka shakisan yihiin in ay suuragal tahay in Mr Putin uu u isticmaalayay arrintan farriin diblomaasiyadeed.

Laakiin ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Mr Macron loo sheegay in uu kala doorto laba midkood, oggolaanshaha baarista COVID ee Ruushka si uu ugu dhawaado Putin ama uu u hoggaansamo qawaaniinta adag ee kala fogaanta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here