Dheeman kun milyan oo sano jiray oo la kala Siistay 4.3 milyan oo doolar.

0
280

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dheeman nooca madow ah oo la rumaysan yahay in ay tahay dheemanta ugu miisaanka culus ee si fiican loo jaray, ayaa lala kala siistay 4.3 milyan oo doolar.

Xabbadan dheemanta ah oo la yidhaa The Enigma waxa miisaankeedu yahay 555.55 carat, oo u dhiganta xabbad muus ah miisaankeeda, ayaa markii hore la odorosay in lagu iibsan doono in ka badan 4.4 milayan oo Giniga Sterling-ka ah kolka lagu xaraasho internet-ka.

Shirkada xaraashka ee Sotheby ee iibinaysay dheemanta ayaa sheegtay in “qofkii iibsaday lacagta ku bixiyey hannaanka loo yaqaan cryptocurrency”.

Waxa jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo asalka dhagaxii laga soo jeemay dheemantan, waxaana ka mid ah mid odhanaysa in dhagaxaasi ahaa dhadhaab ka soo dhacday meerayaasha samada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here