Madaxweyne Biden iyo Boqor Salmaan oo Ka Shiray Sare U Kaca Qiimaha Shidaalka Caalamka.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

“Labada hgogaamiye waxaa ka go’an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA.

Qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka ayaa kor u kacay 20% sanadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here