Laba siyaabood oo lagu dhimo buurnaanta oo la ogaaday.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay )  – Dadka cayilan ee hilibka leh waxay ay dhawaan heli doonaan war ay ku farxaan oo ay miisaankooda ku dhimi karaan.

Irbad toddobaadkiiba hal mar ay qaadan doonaan ayaa ka caawin doonta inay dhimaan miisaankooda.

Cirbadda semaglutide Wegovy waxay ay kaa dhigaysaa sidii qof dhargan oo kali oo aan u baahnayn in uu wax cuno islamarkana ma dareemeysid wax gaajo ah.

Intii lagu guda jiray tijaabada tallaalka, oo lagu daray cunto caafimaad leh iyo jimicsi, waxay ka caawisay dadka cayilan inay dhimaan boqolkiiba 10 ka mid ah miisaankooda.

Machadka Qaran ee Caafimaadka iyo Wanaajinta Daryeelka ee dalka britain ee loo soo gaabiyo (NICE) , ayaa ku talinaya in tallaalka lagu soo daro nidaamka caafimaadka ee dalka UK.

Si kastaba ha ahaatee, talooyinka laanta caafimaadka ee NICE ee England iyo Wales weli lama ansixin, ilaa iyo inta la raacayo tilmaamahan soo socda.

Saynis yahano u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in hal oo aad jimicsi sameyso habeen kasta ay kaa caawin karto inaad gubto 270 kalori hal maalin gudaheed.

Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda Chicago ee xarunta cilmi-baarista hurdada ayaa sheegay in hurdada hore ay ka caawiso dhimista rabitaanka iyo cunista xad-dhaafka ah, ka dibna nasasho fiican oo uu qofku helo waxay yareynaysaa rabitaanka cunnada ee qofka.

daraasadan ayaa waxaa lagu eegay 80 qof oo ay ku jiraan 41 rag ah iyo 39 dumar ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa kuwo buuran, waxaana lagu ogaaday in habeen kasta ay seexdaan wax ka yar 6 saacadood iyo bar, taasi oo ka yar 8 saacadood ee uu qofku u baahan yahay inuu helo habeen kasta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here