Chelsea Oo Badalka Marcos Alons Ka Arkootay Premier League.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa bartilmaameedsanaysa daafaca bidix ee Brighton Marc Cucurella, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda heysata Champions League ayaa wajahaysa mustaqbal aan la hubin oo ku saabsan xiddigaha daafaca uga ciyaara iyada oo heshiiska Antonio Rudiger, Cesar Azpilicueta iyo Andreas Christensen dhici doonaan xagaaga isla markaas ayna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Marcos Alonso ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge, iyadoo wararka ka imaanaya Spain ay sheegayaan in Atletico Madrid ay xiiseyneyso Saxiixiisa xagaaga.

Sida laga soo xigtay Goal, xiddigaha Jules Kounde Iyo Wesley Fofana ayaa chelsea bartilmaameed u ah si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe.

Laakiin Chelsea ayaa sidoo kale isha ku haysa inay xoojiso daafaca Bidix waxana ay isha ku haysaa xiddiga kooxda Brighton ee Cucurella kaas oo ay u arkaan badalka Alonso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here