Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababtii Ayna Arsenal Ula Soo Saxiixan Weeraryahan Suuqii January.

0
228

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mikel Arteta ayaa difaacay go’aanka Arsenal ee ah in ayna la soo saxiixan weeraryahan cusub suuqii January waxana uu sheegay in ay kooxdiisu haysato awood weerar oo ku filan inkasta oo uu fasaxay Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Arsenal ayaa kabtankeedii hore u dirtay Barcelona maalintii ugu dambaysay suuqii January iyaga oo sidoo kale iska diray xiddiga da’yarka ah ee Folarin Balogun.

Arteta ayaa hadda haysta kaliya Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah kuwaas oo ka ciyaari kara weerarka laakiin waxa uu sheegay in ay ahayd arin saxan in ayna Arsenal la soo saxiixan weeraryahan suuqii january.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here