Wiilkii laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray oo geeriyooday.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wiilkii shan jirka ahaa ee u dhashay waddanka Marooko ee muddada shanta maalmood aheyd ku xayirnaa ceelka ayaa geeriyooday.

Bayaan ka soo baxay boqortooyada Marooko ayaa lagu shaaciyay geerida wiilka waxyar uun kaddib markii laga soo saaray ceelka kaddib dedaal muddo dheer qaatay oo la doonayay in lagu soo samatabixiyo.

Boqor Maxamed-ka 6-aad oo ah boqorka dalkaasi Marooko ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay Rayan.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Wiilka ayaa waxa uu ku dhacay ceel hoos u qodon 32m oo waxa uu kaga dhacay duleel yar oo biyaha laga soo saari jiray.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here