Martin Keown Oo Arsenal U Sheegay In Ay Haatanba Kooxda Ku Haystaan Badalka Pierre-Emerick Aubameyang.

0
309

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Daaficii hore ee Arsenal Martin Keown ayaa aaminsan in Gabriel Martinelli uu bedeli karo Pierre-Emerick Aubameyang iyada oo xiddiga reer Brazil xilli ciyaareedkan ka mid yahay xiddigaha ugu fician kooxda Arsenal.

Gunners ayaa iska fasaxday kabtankeedii hore ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ku biiray Barcelona maalintii ugu dambaysay ee suuqii kala iibsiga January.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay weeraryahano badan kuwaas oo ay doonaysay in ay ku buuxiso booska Pierre-Emerick Aubameyang inkasta oo ay ugu dambayn ku fashilmeen in ay helaan saxiixooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here