Man United Oo Laga Reebay FA Cup-ka.

0
321

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa laga reebay koobka FA Cup-ka iyaga oo jooga garoonka Old Trafford kulan ay guuldaro kala kulantay kooxda Middlesbrough.

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Middlesbrough kuwaas oo difaac ku bilowday kulanka isla markaas qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa ka khasaariyay rikoodhe loo dhigay qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo si lama filaan ah aan xitaa goolka ku beegin.

Laakiin Man United ayaa daqiiqadii 25-aad heshay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Jadon Sancho kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United iska khasaarisay fursado badan oo ay ciyaarta ku dili kartay kuna dhalin kartay goolal.

Qaybtii dambe ayay kooxda Middlesbrough heshay kalsooni markii ay United iska khasaarisay fursado muhiim ah waxana ay bilaabeen in ay iska caabiyaan kooxda Man United.

Daqiiqadii 64-aad ayay Middlesbrough Dhalisay goolka bar-baraha kaas oo ahaa mid muran badan dhaliyay oo uu xiddigii caawiyay gacan cad ku taabtay hadana Goolkaas ayaa la ogolaaday.

Labada kooxood ayaa isku dhaafi waayay bar-baro 1/1 ah iyaga oo wax gool ah oo kala kala dhalin waayay inkasta oo ay Man United ahayd kooxda fiican waliba goobo galisay kooxda Middlesbrough.

Kadib 30 daqiiqo oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen Waxa la qabtay rikoodhayaal si ay u kala baxaan midkoodna u gaadho wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayn kooxda Middlesbrough ayaa si lama filaan ah ugu gudubtay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka kadib markii ay ku badiyeen 8/7 rikoodhayaal ah kadib markii uu xiddiga Elanga Man United ka khasaariyay rikoodhadiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here