Donald Trump oo lagu Eedeyay in uu Hor istaagi Rabay Guushii Madaxweyne Joe Biden.

0
174

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eedaha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in doorashada lagu shubtay.

Afar qof ayaa ku dhintay intii ay rabshaduhu socdeen, waxaana maalintii xigtay ku dhintay askari boolis ah isagoo difaacaya dhismaha.

Isagoo ka hadlayay magaalada Orlando ee gobolka Florida, Pence ayaa ka jawaabayay hadaladii Mr Trump ee Axadii ee ahaa inuu ka hor istaagi karay doorashada hadii uu rabo. Trump ayaa sheegay in doorashada uu xaday madaxweyne Biden.

“Madaxweyne Trump wuu khaldan yahay, xaqna uma laheen inaan hor istaago doorashada, go’aanka madaxweynanimada waxaa iska leh dadka Mareykanka ah, shacabka Mareykanka oo keliya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xigeenka haatan aysan xaq u yeelan doonin inay natiijada doorashada ka hor timaaddo marka aan ka badino doorashada soo socota ee sannadka 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here