Dawaco ka yaabisay Seynisyahannada Adduunka kadib markii ay lug ku tagtay Dalka Canada.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawoco yar oo ah nooca ku nool dhulka qaboobaha ayaa ka yaabisay seeynisyahano la socday dhaqdhaqaaqeeda kadib markii ka tagtay dalka Norway, lugna ku tagtay Canada, safarkaas oo ku qaatay 76 maalmood iyada oo qaraab doon ah.

Sida uu qorey wargeyska Norway kasoo baxa ee Semitsiag, seeynisyahanada ayaa la yaabay safarkan qariibka ah ee ay dawada gashay, iyada oo ka gudubtay dhul aad baaxadiisa u balaaranyahay, qaboowgiisuna daranyahay.

Cilmi baarayaal ka tirsan mac-hadka Polar ee Norway ayaa dawada oo hal sanno jir ah ku xiray qalabka GPS-ka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa hadba sheeyga lagu rakiyo.

Waxaa 76 maalmood kadib la ogaaday in ay ku sugantahay jasiiradda Ellesmere ee dalka Canada, iyada oo jartay masaafo dhan 2,000 kiilo mitir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here