Paulo Dybala Oo Loo Soo Bandhigay 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League.

0
201

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Premier League ee Ugu Waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in dhamaantood loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan weeraryahanka Juventus Paulo Dybala xagaaga.

Inkasta oo uu ku dhibaatoonayo dhaawacyo hadana xiddiga 28 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 11 gool 4 kalena caawiye ka noqday 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahataee xiddiga Dybala ayaa noqon doona xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Juventus

Sida laga soo xigtay 90min, Wakiilada Dybala ayaa haatan isku dayay in uu soo jiito xiisaha kooxaha waaweyn ee yurub isaga oo saxiixa xiddiga u soo bandhiay kooxaha Arsenal, chelsea, Man City, Man United, Liverpool iyo Tottenham.

Wararka ayaa sheegaya in uu wakiilka Dybala wadahadalo la qaadan doono 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier League todobaadyada soo socda si uu u keeno horyaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here