Xulka Masar Oo Iska Xaadiriyay Final-ka Koobka Africa.

0
198

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xulka qaranka Masar ayaa iska xaadiriyay Final-ka Koobka Africa kadib markii ay garaaceen xulka Marti galinaya koobka ee Cameroon kulan rikoodhayaal ku dhamaaday.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran oo ay labada xul si taxadar leh u ciyaarayeen.

Labada xul ayaa si fiican u adkaystay difaacooda iyada oo ayna samayn khaladaad sababi kara in ay goolal kala dhaliyaan.

Ciyaarta ayay 90-kii daqiiqo ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay fursado fiican heleen.

Kadib labada xul ayaa isla gaadhay wakhti dheeri ah iyada oo lagu daray ciyaarta 30 daqiiqo si ay ugu kala baxaan midkoodna u gaadho final-ka tartanka.

Xulalka ayaa isku dhaafi waayay wakhtigii dheeriga ahaa taas oo keentay in la gaadho rikoodhayaal si ay labada xul midkood u gaadho final-ka tartanka koobka Africa.

Xulka Masar ayaa nasiib u yeeshay in ay gaadhaan final-ka kadib markii uu xulka Cameroon kaliya dhaliyay hal gool 3-tii rikoodhe ee ay laagteen halka Masar dhalisay 4 rikoodhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here