Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah oo Qabow ugu dhintay Dalka Turkiga.

0
316

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi.

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaash

Labadani waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegaya in meydadka sagaal ka mid ah muhaajiriintaasi la helay subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd, arrintaasi oo keentay in baaritaan laga sameeyo aagaasi kaddibna la helo meydka laba qof oo kale.

Qof kale oo qabowga ba’an uu haleelay ayaa isla aagaasi laga helay wuxuuna markii dambe ku dhintay isbitaalkii lagu daweynayay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xirnaayeen, ka hor inta aysan dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha socdaalka ee dalka Giriiga, Notis Mitarachi, ayaa sheegay in geerida muhaajiriintaasi ay tahay masiibo, balse waxa uu sheegay in eedeynta ka soo yeertay Turkiga ay tahay mid xaqiiqada ka fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here