Duufaan xooggan oo baraf wadata oo ku dhufatay Mareykanka

0
227

JOWHAR  (Radio Isnaay)- Duufaan xooggan oo wadata roobab baraf ah ayaa ku dhufatay xeebaha bari ee dalka Maraykanka.
Waxaa jira digniinno ku aaddan in korontada ay ka go’i doonto gobolkaas, isla markaana dhibaato xooggan laga kulmi doono socdaalka.

Dadka cimilada saadaaliya ayaa sheegaya in duufaanta ay wadato dabeylo xooggan, isla markaana ay reebi doonto baraf xad dhaaf ah.

In ka badan shan kun oo duulimaad ayaa loo baajiyay duufaanta awgeed.

Saadaasha ayaa sheegaysa in ay jirto duufaanta kale ee loo yaqaano Nor’ester, lagana yaaba inay daboosho ama saamayn ka gaysato aagga magaalada Boston.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here