Man United Oo Ka Fal Celisay Saxiixa Liverpool Ee Luis Diaz, Maxaa Cusub?

0
166

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxda Manchester United ayaa ‘la yaabay wararka sheegaya in ay Liverpool ku garaacday man United saxiixa xiddiga Luis Diaz kaas oo ku biiraya Reds inta lagu jiro suuqa January.

Xiddiga reer Colombia ayaa qarka u saarnaa in uu ku biiro Tottenham laakiin Liverpool ayaa ka afduubatay iyaga oo haatan qarka u saaran dhamaystirka saxiixa xiddiga.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in ay Liverpool sidoo kale saxiixa xiddiga Diaz ku garaacday kooxda Man United kuwaas oo dhankooda doonayay saxiixa xiddiga.

Laakiin maamulka Man United oo la xidhiidhay wargayska Manchester Evening News ayaa beeniyay wararkaas iyaga oo sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga reer Colombia.

Man United ayaa sheegtay in ay Man United xiiso u qabtay saxiixa xiddiga laakiin ay xiddigo badan kaga horeeyeen Liiska xiddigaha ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here