Farriin lagu riday dhalo oo 25 sano kadib laga helay Dalka Norway.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Farriin lagu riday dhalo oo ay soo dirtay gabar yar oo ku nool Aberdeenshire, Scotland ayaa laga helay Norway 25 sano kaddib.

Joanna Buchan waxay ahayd siddeed jir markii dhalada ay ka dhacday xilli ay saarneyd doon kalluumeysi oo mareysay badda magaalada Peterhead sanadkii 1996 iyadoo markaasna diyaarineysay layliga iskuulka.

Elena Andreassen Haga ayaa ka heshay meel 800 meyl (1,287km) u jirtay oo waqooyiga Norway ah, iyadoo kaddibna Joanna ka raadisay baraha bulshada.

Warqadda gabadhadan iskuulleyda ah ayaa waxaa ku xusan erayo uu jaceyl ku dheehan yahay balse waxaa sidoo kale laga dheehan karaa nacayb ay u qabto wiilasha. “Laakiin waan necbahay wiilasha,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Warqaddan oo si qurux badan loo qoray ayaa waxay sidoo kale Joanna ku qeexeysaa eygeeda, mashaariicda iskuulkeeda iyo waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here