Anthony Martail Oo Ugu Dambayn Isaga Tagaya Man United

0
412

JOWHAR (Radio isnaay) Anthony Martial ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Sevilla sida uu xaqiijiyay saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano xilli maalmo ka dhimantahay xidhitaanka suuqa kala iibsiga.

Heshiiska uu Anthony Martial ugu biirayo Sevilla ayaa ah mid ay labada kooxood si Rasmi ah uga heshiiyeen sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Sidoo kale xiddiga laftiisa ayaa aqbalay isaga oo heshiiska shaqsiga ah la galay koxda Sevilla isaga oo kooxda reer Spain ugu biiri doona heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

Xiddiga Martial ayaa saacadaha soo socda u duuli doona Spain si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biiri doono kooxda Sevilla inta lagu jiro suuqa January.

Martial ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Man United isaga oo aad u doonayay in uu isaga tago kooxda suuqa January si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here