Waa Kuma Xiddiga Lama Taabtaanka Ka Noqday Man United, Ma Ahan Ronaldo & Bruno

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga daafaca midig uga ciyaara Man United ee Diogo Dalot ayaa lama taabtaan ka noqday kooxda Man United intii uu Ralf Ragnick yimid kooxda Man United.

Xiddiga reer Portugal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Man United iyada oo Ac Milan doonaysay saxiixa xiddiga.

Laakiin Dalot ayaa sii joogay Man United waxana uu kooxda ka noqday xiddig muhiim ah tan ilaa markii uu Ralf Ragnick yimid kooxda isaga oo kooxda u saftay 16 kulan tartamada oo dhan.

Ralf Ragnick ayaa xiddiga reer Portugal u arka xiddiga lama taabtaanka ka ah shaxdiisa waxana uu ku qancay horumarka uu sameeyay kulamadii ugu dambeeyay ee uu ciyaaray.

Xiddiag 22 jirka ah ayay 18 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa Man United waxana uu ku bilowday 7 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here