Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Takehiro Tomiyasu Ka Maqnaan Doono Garoomada.

0
148

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Takehiro Tomiyasu uu “dhowr todobaad” ka maqnaan doono dhaawac kubka ah.

Xiddiga reer Japan ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac tan ilaa bilowgii sanadkan laakiin taam u noqday kulankii Arsenal ee Carabao cup-ka Semi-final-ka.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Takehiro Tomiyasu ayaa seegay kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay Burnley Axadii taas oo keentay in laga saaro waajibaadka xulka qarankiisa.

Arteta ayaa haatan xaqiijiyay in la xaliyay dhibaatada xiddiga’ Hagaaga, Takehiro Tomiyasu waxa uu qabaa dhaawac, sidaas maanu haysan cid kale oo aan ku ciyaarno booskiisa kulankii Liverpool”ayuu yidhi.

“Waxa uu doonayay in uu ku ciyaaro dhaawac, waxa uu isku dayay in uu ciyaaro 90 daqiiqo laakiin dhaawac ayuu mar kale dareemay waxana uu maqnaan doonaa muddo todobaadyo ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here