Antonio Rudiger Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea

0
205

JOWHAR (Radio isnaay) Heshiis Kordhinta Antonio Rudiger ayaa ah mawduuca sida weyn loo hadal hayo chelsea iyada oo heshiiska daafacu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa jira warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa laakiin xiddiga ayaa afka furtay kana hadalay mustaqbalkiisa xilli uu waraysi siinayay Shabakada Sky Sport.

“Sida had iyo jeer, waxaan si buuxda diirada u saarayaa kooxda iyo xilli ciyaareedkan, wadahadaladu waxa ay u dhexeeyaan kooxda iyo wakiiladayda waana wax kasta oo aad u baahantahay”.

“Qoyskaygu waxa ay ku fiicanyihiin halkan, inta kale waxa ay u hartay dadka kale si ay go’aan uga gaadhaan kadib waan arki doonaa waxa soo baxa”.

“Anigu waxa aan diirada saarayaa waxa ka dhacay garoonka dhexdiisa, waxa aan arintaas u samaynayaan kooxda, taageerayaasha, tababarayaasha iyo qoyskayga sidaas darteed waxa aan diirada saarayaa garoonka dhexdiisa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here