Juventus Oo Dalab Weyn Ka Gudbisay Saxiixa Dusan Vlahovic

0
177

JOWHAR (Radio isnaay) Juventus ayaa qorshaynaysa in ay Arsenal ku garaacdo tartanka loogu jiro saxiixa Dusan Vlahovic bishan iyada oo u soo bandhigtay Fiorentina lacag dhan 70 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Gunners ayaa dooneysay inay lasoo wareegto weeraryahanka Fiorentina ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga January waxana ay kooxda Fiorentina u soo bandhigtay dalab 50 milyan ah iyo waliba xiddiga Lucas Torreria kaas oo kooxda reer Italy kula jooga heshiis amaah ah.

Arsenal ayaa sidoo kale u cadaysay weeraryahanka in uu noqon doono mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda iyaga oo u soo bandhigay heshiis shan sano ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 10 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, Vlahovic, ayaa ka warwareegay u dhaqaaqista kooxda Mikel Arteta, iyadoo ay wararku sheegayaan in dookhiisa uu yahay inuu ku biiro koox uu aaminsan yahay inay ka fiican tahay Arsenal isla markaasna koobab ku guuleysan kara.

Juventus ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddiga Vlahovic, sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, kooxda Serie A ayaa haatan go’aansatay inay u dhaqaaqdo bishaan, waxaana ay miiska saartay dalab 70 milyan ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus heshiiska ku darayso xiddiga khadka dhexe ee Dejan Kulusevski, kaasoo ay ku qiimeeyeen 35 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here