Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah furtay Barnaamij looga tashanayo Waxbarashada Gabdhaha

0
164

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay kulan looga tashanayo waxbarashada gabdhaha, dib-u-eegista barnaamijka waxbarista gabdhaha iyo barnaamijka waxbar Caruurtaada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Marwo Nuuriya Addan Ciise ayaa furtay kulan looga arinsanayay barnaamijka horumarinta Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Barnaamijka waxbar Caruurtaada, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan iyo Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Hey’adda FCDO, Care International iyo deeq bixiyayaasha Waxbarshada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa warbixin looga dhageystay hey’adda Care International oo mas’uul ka aheyd hirgelinta mashruuca horumarinta Waxbrashada Gabdhaha Soomaaliyeed (AGES), kaasi oo soo bilawday sanadkii 2018-kii, laguna guuleystay inuu fursad Waxbarasho siiyo in ka badan 40,000, gabdhood, taasi oo ah kala bar hiigsiga guud ee barnaamijka Waxbarashada gabdhaha iyo taageerida barnaamijka Waxbarashada dad-ban (Non Formal Education) iyo Waxbarshada Nidaamiga ah (Formal Education) sidoo kalena fursad buuxda siiyay 1000, gabdhood oo ah kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here