Luis Suarez Oo Ku Soo Wajahan Premier League & Kooxda Uu Ku Biiri Karo Oo La Ogaaday.

0
180

JOWHAR (Radio isnaay0 Xiddigii hore ee kooxaha Barcelona iyo Liverpool ee Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo laaban karo horyaalka premier League wakhtiga soo socda.

Aston Villa ayaa qandaraas u bandhigtay Luis Suarez iyadoo rajeyneysa inay la soo wareegto inta lagu jiro suuqa January sida laga sooo xigtay saxafiga Gerard Romero.

Steven Gerrard ayaa lagu soo waramayaa inuu wacay xiddiga reer Uruguay si uu ugu qanciyo in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta Premier League.

Qandaraaska Suarez ee haatan Atletico Madrid ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu wadahadalo la gali karo kooxaha ka baxsan Spain.

34-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu Philippe Coutinho kula midoobo Aston Villa kadib markii uu xiddiga Coutinho suuqa January ku laabtay kooxda ku ciyaarta Villa Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here