Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka, Xiddig Da’yar Ah Ayaa U Soo Laabtay

0
159

JOWHAR (Radio isnaay) Harvey Elliott ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarkiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii uu dhaawac soo gaadhay bishii September.

Xiddiga da’yarka ah ayaa kooxdiisa uga maqnaa dhaawac kuraanta ah waxana uu ku maqnaa muddo 4 bilood ah laakiin waxa uu u muuqdaa mid si buuxda ugu soo laabtay tababarka.

Tababare jurgen Klopp ayaa haatan laga ogaan doonaa in uu xiddiga Elliott  ka qayb qaadan karo kulanka Arsenal ee lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka.

Xiddiga ayaa markii hore la filayay in uu soo laabto bartamaha bisha February laakiin waxa uu u muuqaa mid ku soo laabtay tababarka wakhti ka horeeya wakhtigii la filayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here