Dadka dhaqaalaha badan sameeyay inta uu jiray Covid-19 oo Baaq loo diray.

0
312

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda samafalka ee Oxfam ayaa ugu baaqday dowladaha caalamka inay canshuur dheeraad ah saaraan dadka dhaqaalaha badan sameeyay inta uu jiray xanuunka Covid-19.

Tobanka nin ee ugu taajirsan caalamka ayaa in ka badan laba-laab ay u korortay hantidooda inta uu socday xanuunka safmarka ah.

Taa bedalkeeda, hay’adda ayaa sheegtay in 160 milyan oo qof oo dheeraad ah ay ay maalintii ku nool yihiin wax ka yar lix dollar.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka sabool ah oo badan ay dhinteen inta uu cudurka koroona socday balse 10-ka nin ee ugu taajirsan adduunka ayaa in ka badan labalaantay hantidooda tan iyo bishii Maarso 2020-kii sida ay Oxfam xaqiijisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here