Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Saaka Ka Dhacay Gaalkacyo

0
201

JOWHAR (Radio isnaay) Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waaberigii hore ee saakay ka dhacay meel u dhow Garoonka diyaaradaha Oshaako ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas uu yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano TM-ka uu ku rogmay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, kadib markii uu wadada ka baxay, xili uu ku socday xawaare.

Gaariga rogmaday ayaa sidday dad safar ahaa iyo xoolo u badan Ari oo ku rarnaa gaariga oo kusii jeeday degaano ka tirsan Mudug, waxaana shilkaas ku dhintay hal qof, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Dad goobta uu gaariga ku rogmaday ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilkaas dhacay, waxaana weli wadada dhex yaalla gaariga weyn oo laga dejiyay xoolihii ku rarnaa.

Si kastaba degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale

uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada iyo waddooyinka oo burbursan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here