Kulanka Arsenal & Liverpool Oo Halis Ugu Jira In La Kansalo.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kiisas badan oo xanuunka Korona ah oo laga helay kooxda Liverpool ayaa halis galinaya kulanka Semi-final-ka Carabao Cup-ka ee ay Wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa isu balansan khamiista kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-final-ka Carabao cup-ka kaas oo ka dhici doona garoonka Emirates ee ay Arsenal ku ciyaarto.

Sida arimuhu haatan yihiin Liverpool wax codsi ah ma samayn oo lagu joojin karo kulanka waxana la sugi doonaa dhici taanka kulanka hadii ayna Liverpool wax codsi ah gudbin.

Kooxda Liverpool ayuu xanuunka Korona khaati ka dhigay todobaadyadii ugu dambeeyay waxana laga cabsi qabaa in la ciyaari waayo kulanka ay Liverpool iyo Arsenal wada ciyaari doonaan Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here