Arsenal Oo Amaah Ku Doonaysa Xiddig Horay Ugu Soo Ciyaaray Liverpool.

0
196

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Netherland ayaa ka tagay kooxda Liverpool xagaagii isaga oo qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu isku muujiyo kooxda reer France.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa kaydka ugu jira kooxda PSG isaga oo kaliya 9 kulan ku bilowday kulamada kooxdiisu ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here