Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Sugaanta oo abaalmarisay lix Qoraa

0
213

JOWHAR (Radio isnaay) Munaasabad  lagu abaal marinayey Qoraayaashii ku guuleystay kaalmaha hore ee tartankii loo qabtay Qoraayaasha Da’da yar ee 2021kii, oo lagu qabtay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ayaa waxaa soo qaban-qaabisay  Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta , oo gacan ka helaysa Hay’adda CISP, kaasi oo ay ka qaybgaleen 23 Qoraa.

Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta Cabduqaadir Nuur Xuseen oo furay munaasabadda ayaa sheegay in sanadka danbe la kordhin doono tirada guuleystayaasha.

Tartanka ayaa waxaa ku guuleystay  oo soo baxay lix Qoraa oo la siiyey Abaalmarin lacageed iyo Shahaadooyin, si ay ugu noqoto dhiiragalin . Waxayna kala yihiin:

  1. Qoraa, Maxamed Xasan Cusmaan, Buugga Halista Dabka. ($500)
  1. Qoraa, Cabdirisaaq Xasan Jidhi, Buugga ALEEL. ($300)
  2. Maxamed Axmed. Buugga SUMMAD. ($200)
  3. Cusmaan Cali Cusmaan, Buugga TAHRIIB IYO TIIRAANYO. ($100)
  1. Saabir Cabdi Yuusuf, Buugga Furaha Akhriska. ($50)
  1. Shamso Mahad Tahliil, Buugga Hiil Agoon. ($50)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbashada Hidaha iyo Tacxliinta Sare Nuuriya Aadan Ciise  ayaa sheegtay in ay tahay wax lagu farxo in Munaasadaan ay joogaan Da’yar wax ku qorayo Afka Hooyo.

Sanadwalba ayaa Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Sugaanta waxaa ay tartan u qabataa Qoraayssha Soomaaliyeed si loo qiimeeyo hal abuurkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here