Macdan Qodeyaal Ku Dhintay God Ku Soo Dumay ee Gudaha Dalka Sudaan.

0
196

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in in ka badan sodon ka mid ah dad macdan qodayaal ah ay dhinteen ka dib markii ay soo duntay goob laga qodo dahabka.

Siddeed qof oo kale ayaa weli la la’yahay. Burburka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Nuhud ee galbeedka gobolka Kordofan, koonfur-galbeed ee caasimadda Khartoum.

Ku dhawaad laba milyan oo macdan qodayaal ah ayaa qiyaastii boqolkiiba siddeetan ka qayb qaata wax soo saarka dahabka ee sannad laha ah ee dalka Sudan.

Shaqalahan ayaa ku shaqeeya duruufo adag iyo kaabeyaal dhaqaale oo aan wanaagsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here