Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
253

JOWHAR (Radio isnaay) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta soo xiray tartanka Kubadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir oo maanta ay ku guuleysatay Xulka degmada Dharkeynley.

Finalka tartankan oo ka dhacay garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Eng Yariisow isla markaana ay isaga hor yimaadeen degmooyinka Dharkeynley iyo Warta Nabadda ayaa waxaa usoo daawasha tagay kumanaan dadweyne ah, iyadoo ciyaartoyda labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiisa badneyd oo weerar iyo weerar celis ah hasa’ahaate natiijada ciyaarta ayaa waxa ay guusha raacday Xulka Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here