Ralf Rangnick Oo Xaqiijiyay Xiddig Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Maamulka Kooxda.

0
192

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial uu doonayo inuu ka tago kooxda sanadka soo socda.

Wakiilka xiddiga reer France ayaa qirtay in uu xiddiga 26 jirka ah doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa January si uu uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Rangnick ayaa markii hore wararkaas beeniyay laakiin Tababaraha ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddigii hore ee kooxda Monaco doonayo in uu ka tago kooxda.

“Anthony waxa uu doonayaa in uu tago, waxa uu ii sheegay in ay gaadhay wakhtigii saxda ahaa ee uu is badal samayn lahaa”ayuu Rangnick u sheegay BBC Sport.

“Taas waa mid aan fahmi karo, inta aan ogahay ma jirto wax dalabyo ah oo u yimid kooxda waxana uu sii joogi doonaa kooxda inta ay dalabyo u imanayaan”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here